Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo doonaysa in Paul Mackenzie uu xabsiga ku sii jiro 6...

Dowladda oo doonaysa in Paul Mackenzie uu xabsiga ku sii jiro 6 bilood

Waxaa maxkamadda loo gudbiyay codsi hor leh oo ay dowladdu ku doonaysa in baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi ,Paul Makenzie iyo shakhsiyaadka lala soo eedeyay xabsiga lagu hayo muddo 6 bilood oo dheeraad ah.
Waxaa codsigan gudbiyay ku xigeenka Agaasimaha waaxda dacwad oogidda Jami Yamina.
Garsoore Yuusuf Shikanda ayaa lagu wargeliyay in dambi baarayaasha ay u baahan yihiin muddo dheeraad oo ay ku soo gabagabeyn karaan xasuuq laga gaystay keynta Shakahola.
Waaxda dacwad oogidda ayaa codsigan maxkamadda geysay ka dib markii ay dhamaatay muddo 47 cishe ah oo ay horay u codsatay in Makenzie iyo tuhmanayaasha kale xabsiyada lagu sii hayo.
Waxay waaxdu sheegtay in dhakhaatiirta baaritaannada sameynaya ay u baahan yihiin muddo 180 cishe ah oo ay ku uruurin karaan macluumaadka hide-sidaha loo yaqaano DNA si loo aqoonsado meydadka la soo saaray.
Keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi ayaa laga soo saaray meydad gaaraya 429 oo la rumeysan yahay inay yihiin dad taabacsanaa baadariga oo uu ka dhaadhiciyay inay cuntada iyo biyaha ka afxirtaan ilaa ay ka geeriyoodeen.
Arrintan ayay maxkamadda soo qaadi doontaa 12-ka bisha Tobnaad ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments