Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay magaca Renson Ingonga Mulele oo loo soo xushay inuu noqdo agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka.
31-dii bishii hore ayay ahayd markii ay shakhsigan turxaan bixiyeen xubnaha guddiga arrimaha garsoorka iyo cadaaladda ee baarlamaanka.
Waxaa warbixinta guddiga baarlamaanka hor geeyay guddoomiyahooda George Murugara.
Murugara ayaa mudanayaasha u sheegay in Mulele uu u qalmo inuu buuxiyo jagadii uu baneeyay Nuurdiin Xaaji maadaama uu ka soo baxay dhamaan shuruudihii lagu xiray ee dhanka aqoonta, khibradda , anshaxa , hufnaanta iyo ilaalinta dastuurka.
Mulele ayaa horay u soo noqday madaxa xafiiska dacwad oogidda ee ismaamulka Garissa.
Waxaa uu sidoo kale soo qabtay xilka ku xigeenka agaasimaha waaxda dacwad oogidda.
Home Wararka Kenya Baarlamaanka dalka oo ansixiyay in Mulele uu noqdo agaasimaha waaxda dacwad oogidda