Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dab khasaare gaystay oo ka kacay deegaanka Milxo

Dab khasaare gaystay oo ka kacay deegaanka Milxo

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Milxo ayaa sheegaya in dab xooggan oo khasaare badan dhaliyay uu ka kacay deegaankaas oo ku yaalla inta u dhexeysa Laasqorey iyo Bosaaso.
Dabkan oo kacay saaka ayaa burburiyay xarumo badan oo ganacsi.
Dadka ku noolaa aagaasi ayaa lagu soo warramayaa inay isaga baxeen deegaankaasi.
Weli lama soo sheegin khasaaro nafeed oo uu sababay dabka.
Milxo oo lagu tilmaamo deegaanka laga qodo dahabka ugu badan ee dalka Soomaaliya, waxa ay ka tirsan tahay gobolka Sanaag, gaar ahaan waxay hoostagtaa degmada qadiimiga ah ee Laasqorey oo saaran biyaha Badda Cas.
Deegaankaasi waxa uu ku yaalla dhulka loo yaqaanno “Macagta” oo ah halka ay ka billowdaan Buuraha Calmadow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments