Kenya oo rajeynaysa 25 milyan oo kuuro oo ah tallaalka AstraZeneca

0
533

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ay rajeynayso in wadanka la soo gaarsiiyo 25 milyan oo kuuro ama dose oo ah daawada tallaalka nooca loo yaqaano Astrazeneca.
Qoraal ay dhawaan soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twittarka ayay wasaaraddu ku sheegtay in markii wadanka la keenayay tallaalka Sputnik ee Ruushka la adeegsaday geeddisocodka habboon dhanka badqabka.
Wasaaradda ayaa xustay in ay si gaar ah qiimeyn ugu sameysay tayada tallaalkan , wax tarkiisa iyo inuusan wax u dhimeyn caafimaadka.
Tirada nooca daawadan ee dalka la soo geliyay ayay wasaaradda caafimaadka ee Kenya ku sheegtay 75,000.
Sidoo kale waxaa uu qorshuhu ahaa in wajiga koowaad ee tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19 ay ka faa’iidaystaan 1.2 milyan oo qof balse bartilmaameedsiga ayaa hadda ah 3.2 milyan ka dib markii fursad la siiyay dadka ay da’doodu tahay 58 sano iyo wixii ka sarreeya.
Ilaa toddobaadkii tagay waxaa tallaalka qaatay in ka badan 400,000 oo qof sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka.
Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in dadka la siiyay daawooyinka tallaalka marka la gaaro 5-ta bisha shanaad ee sanadkan mar kale la tallaali doono.