Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta socdaal ku tagay deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu.
Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa dhawaan sheegtay in Mr. Kenyatta uu xarunta warshadda qaran ee amniga ka daahfuraya qayb lagu soo saari doono hubka yaryar.
Mashruucan ayaa looga gol-leeyahay in lagu xoojiyo isku filnaanshaha Kenya marka la eego agabka amni ee lagu sameeyo gudaha wadanka.