224 garyaqaano dheeraad ah oo la shaqeyn doono maxkamadda ugu sarreysa wadanka

0
194

Madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa 224 oo ah qareenno dheeraad ah u oggolaatay inay la shaqeeyaan maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court.
Koome ayaa hoosta ka xarriiqday in tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay bishii Shanaad ee sanadkii 2021-kii ,4,184 qof oo bartay culuunta sharciga loo ansixiyay inay noqdaan qareeno ka howlgalo gudaha wadanka.
Waxay intaasi ku dartay inay jiraan ismaamullo iyo deegaan baarlamaneedyo horay loogu gacan bidixeeyay dhanka horumarka oo aan weli lahayn garyaqaano ku filan in kastoo shacabka halkaasi ku nool ay si wayn ugu baahan yihiin adeegyada sharciga.
Koome ayaa tusaale u soo qaadatay carruurta , dadka qabo baahiyaha gaarka ah iyo dhibbanayaasha tacaddiga galmo ama shaqaaqooyinka jinsiyadeed xilli ay ka hadleysay qaybaha bulshada ee u baahan adeegyada sharciga.
Bishii Lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii garsoore Martha Koome ay aqoonyahaano gaaraya 826 ku biirisay liiska qareennada rasmiga ah ee dalka.
Waxaa ka sii horreysay in bishii Saddexaad ee sanadkan , 466 qof ay noqdeen garyaqaano rasmi ah oo la shaqeyn karo maxkamadaha kala duwan.