Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa socdaal lama filaan ah ku tagay xarunta waaxda bixinta baasaboorrada ee ismaamulka Embu.
Waxaa uu halkaasi ka sheegay in dowladda dhexe aynan marnaba u dulqaadan doonin falalka musuqmaasuqa.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay inay jiraan shakhsiyaad mukhallisiin ah oo shacabka u baahan baasaboorka iyo dokumeentiyada muhiimka ah lacago ka qaata.
Waxaa uu sheegay in dadkan ay la shaqeystaan tiro yar oo ka mid ah saraakiisha waaxda socdaalka iyo jinsiyadda ee wadanka.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in la billaabay sifeynta waaxda socdaalka ee dalka si loo cirib tiro falalka musuqa ee dadweynaha adeegyadan u baahan looga dalbado lacago laaluush ah.
Sidoo kale waxaa uu xusay in qaar ka mid ah saraakiisha waaxda socdaalka laga wareejiyay meelihii ay ka howlgalayeen.