DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo taageero u ballan qaaday beeralayda

0
220

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa mar kale carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay taageeridda beeralayda .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulkiisa uu mudnaanta koowaad siinaya la tacaalidda cunno yarida.
Xilli uu ku sugnaa magaalada Laare ee deegaan baarlamaneedka Waqooyiga Igembe ee ismaamulka Meru ayuu sheegay in dowladdu ay sii wadi doonto in beeralayda laga caawiyo helidda agabka wax soo saarka iyo suuqgeynta dalagyada uga soo go’o beeraha.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ilaa iyo hadda la diiwaangeliyay 5 milyan oo beeralay ah si loo siiyo bacrimin isagoo inta aan weli is diiwaangelin ku boorriyay inay fursaddan ka faa’iidaystaan.