Duqeyn dhanka cirka ah oo maanta laga gaystay Koonfurta caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen ugu yaraan 11 ruux.
Weerarkan oo la fuliyey abaare 7:15 subaxnimo ee maanta ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo kale.
Mid ka mid ah kooxaha u ololeeya arrimaha dimuqraadiyadda iyo xuquuqul aadanaha ee Suudaan ayaa laga soo xigtay in diyaarado militari lagu duqeeyay aagga suuqa Qouro.
Bartamihii bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii ay soo billowdeen isku dhacyada u dhexeya ciidamada militariga Suudaan iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF.
Ku dhawaad 7,500 oo qof ayaa lagu dilay colaadda Suudaan ee taagan middo shan bilood ah.