Nin ku labisnaa dareeska ciidanka amniga ayaa gelinkii dambe ee shalay magaalada Gaalkacyo ku dilay Alle ha u naxariistee mid ka mid ah dhakhaatiirta ka howlgasha gobolka Mudug.
Dr. Sakariye Cabdi Jaamac, oo ahaa dhakhtar dhallinyaro oo caan ka ahaa bulshada dhexdeeda, ayaa la dilay isagoo ku sugnaa xarun caafimad oo uu maamule ka ahaa oo lagu magacaabo Alxaramayn.
Muuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon CCTV oo ku xirnayd xarunta lagu dilay, ayaa lagu arkayay, askari hubaysan oo gudaha u galay xarunta, ka dibna xabbad la dhacay dhakhtarka.
Gacan ku dhiig laha waxaa la socday labo nin oo la aamisan yahay inay qayb ka ahaayeen abaabulka dilka dhakhtarka, kuwaas oo kaamerada laga dhex arkayay, iyagoo gacan ku dhiig laha siinaya tilmaam ku aadan dhakhtarka.
Gacan ku dhiig laha ayaa isaga baxsaday goobta, markii uu falka gaystay, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga ee gobolka.
Dilka dhaqtarka ayaa la ogaaday inuu salka ku hayo aano qabiil, taasoo waayahaan ka taagan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.
Dilalka ku salaysan aanooyinka ayaa sanadkan 2023-ka tusbax furtay ka noqday waqooyiga Gaalkacyo.
Maamulka Puntland ayaa ku guuldaraystay inuu xakameeyo falalka noocaan ah.
Dilkan ayaa ku soo aaday, iyadoo maalmo ka hor ay odayaasha dhaqanka gobolka Mudug ku heshiiyeen in qofkii qof dila lagu fulin doono qisaas, si wax looga qabto dilalka aanooyinka.