Ka dib markii dhulgariir cabirkiisu lagu qiyaasay 6.8 uu saameeyay dalka Morocco ayaa waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in dhacdadaasi ay ku nafwaayeen ugu yaraan 2,012 ruux.
Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 2,059 ruux oo kale iyadoo qoysas badanna ay hooy la’aan noqdeen.
Maamullada dalkaasi ayaa ku dhawaaqay saddex cishe oo baroordiiq qaran ah.
Dhulgariirka oo lagu sheegay midkii ugu dhimashada badnaa in ka badan 60 sano taariikhda wadanka Morocco ayaa ku dhuftay aagga buuraha High Atlas.
Waxaa weli socdo howlaha samata bixinta iyadoo saraakiisha gurmadka ay meydadka ka soo saarayaan goobo burburay oo ku yaallay tuulooyin dhowr ah.