Waxaa maanta hal mar baraha bulshada ee Soomaalida ku soo dhex dhacay warka ah in Sheekh Maxamad Cabdi Umal uu aad u xanuusan yahay islamarkaana gaaray heer uu awoodi waayo in uu salaadda dhameysto.
Hasa ahaate warkaas ayaa dib laga sheegay inuu been ahaa.
Salaaddii subax ee saaka ayaa ay ahayd markii la arkay sheekha oo ka baxaya rakcaddii labaad ee salaaddaasi, xilli uu ku tukanayey masjidka Abuubakar Al-Siddiiq, ee ku yaalla waddada lixaad ee xaaafadda Islii ee magaalada Nairobi, taas oo keentay in dad badan oo goobjoog ahaa warkaasi ay sii faafiyaan.
Balse maanta duhurkii ayay qaar ka mid culimada masjidkaasi xaqiijiyiin in xaaladda sheekhu wacan tahay, islamarkaana uunan xanuusanayan Sh Umal.
“Sheekha lallabo ayaa qabatay wuxuuna ka baqay in matag uu ka yimaado, taas daraadeed ayuu u baxay oo musqusha u aaday, wuuna soo weyso qaatay oo soo noqday oo salaaddii inala dhamaystay, waana bini’aadam oo waa wax dhici karaan, Sheekhuna hadda wuu caafimaad qabaa oo salaaddii Jimcana waa uu inala tukaday” ayuu sheegay mid ka mid howlwadeennada masjidka Abuubakar ee xaafadda Eastliegh oo ah masjidka uu sheekha caanka ku yahay joogistiisa.
Sheekha ayaa muddooyinkii u dambeeyey xaal caafimaad ugu maqanaa dalka Hindiya, isaga halkaas oo uu dhawaan ka soo laabtay, haatanna xaalkiisu fiican yahay.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka mid ah culimada ugu waaweyn ee Soomaalida iyo Kenya oo hadda ku nool yahay.