12 qof oo ku dhintay shil ka dhacay waddada weyn ee Nairobi iyo Mombasa

0
246

12 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil galabta ka dhacay deegaanka hoose Ndii ee deegaan baarlamaaneedka Voi ee ismaamulka Taita Taveta.
Shilka ayaa laga soo tabiyay waddada weyn ee u dhexeyso magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.
Taliyaha taliska booliiska OCPD-ga ee qaybta magaalada Voi Bernstein Shari ayaa xaqiijiyay in 12 rakaab ah ay isla goobta ku dhinteen ka dib markii gaadiidka dadweynaha ee qaada 14 qof oo ay la socdeen ay isku dhaceen gaari xamuul ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in 3 qof oo kale ay shilka ku dhaawacmeen oo la geeyay isbitaallada si loo daaweeyo.
Taliyaha ayaa warbaahinta u sheegay in baaburka mataatuuda oo ka yimid Nairobi uu ku wajahna Mombasa halka gaariga xamuulka uu ku sii jeeday caasimadda dalka.