Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maxay kawada hadleen Rw Xamse iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi...

Maxay kawada hadleen Rw Xamse iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo?

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu adkeeyey doorka kaga aaddan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka.
Dhankiisa, Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments