Cabdiqaadir Maxamad Yuusuf oo ah wiilka Alle ha u naxariistee senetarkii geeriyooday ee ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa sheegay inuu aad ugu farxay in shacabka iyo madaxda Garissa ay isku raaceen inuu buuxiyo jagadii uu aabihii baneeyay.
Waxaa uu soo dhaweeyay in aynan jirin cid kula tartamayso xilka senatarnimo ee dowlad deegaankaas sidaas awgeedna guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC uu shaaciyay inuu guulayste yahay.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu Cabdiqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji ku sheegay inuu dadweynaha Garissa si caddaalad ay ku dheehan tahay ugu adeegi doono.
Waxaa uu intaa ku daray in maadaama uu ku biiraya aqalka sare uu ugu horreyn ku dadaali doono inuu khibrad siyaasadeed ka kororsado siyaasiyiinta xubnaha ka ah senate-ka.
Shacabka Garissa oo ay hor kacayaan siyaasiyiin ayaa horay isugu raacay in Cabdiqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji loo oggolaado inuu qabto xilkii uu aabihii yahay si loogu sharfo senatarkii geeriyooday maadaama uu sanado badan wadanka u soo adeegayay.
Home Wararka Kenya Cabdiqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji oo muujiyay dareenkiisa ku aaddan in aynan cidna...