Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo cusub gaysay jiidaha hore ee dagaalka, gaar ahaan bariga gobolka Galgaduud, ka dib maalmo ay ciidamadaasi dib ugu gurteen deegaanno ka tirsan gobolkaasi.
Ciidamo gaaraya 1,500 oo askari ayaa loo diray gobolka, waxaana saraakiil ay horkacayaan xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka ay ku sagootiyeen ciidamadan magaalada xeebta ah ee Cadale.
Xildhibaan Yaasiin Fareey oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u rajeeyay Ciidanka Xoogga Dalka inay dhawaan Al-Shabaab ka saari doona jiidaha hore ee dagaalka.
“Waxaan halkan idinku adkaynaynaa in dowladdiinu ay garabkiina tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Fareey oo ka hadlayay munaasabadda sagootinta ciidanka.
Tan iyo markii ciidamada qaar ay faarujiyeen jiidaha hore ee dagaalka ayaa waxaa socday dadaalo lagu doonayo in ciidamada lagu qanciyo inay dib ugu laabtaan xeryahooda, ayna dib u billaabaan dagaalada ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.