Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ,Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu doonaya in halkaasi laga soo tarxiilo qaxooti iyo soo galooti dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Eritrea oo ku lug yeeshay iskudhacyo rabshadeysan oo laga soo tabiyay magaalada Tel Aviv.
Netanyahu ayaa amar ku bixiyay in tarxiilka si degdeg ah loo dhaqangeliyo.
Sidoo kale waxaa uu amray in gudaha Israa’iil laga soo saaro dhammaan soo galootiga ka soo jeedo qaaradda Afrika ee halkaasi ku sugan.
Tani ayaa ku soo beegmaysa hal cishe ka dib markii dhowr qof ay ku dhaawacmeen iskudhacyo Koonfurta Tel Aviv ku dhex maray kooxo iska soo horjeedo ee Eritrean ah.