DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo tagaya Maxaas ee gobolka Hiiraan

0
237

Wararka inaga soo gaaraya degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay socoto qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta lagu wado inuu gaaro halkaasi.
Shalay waxa tagay Maxaas xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirka Batrooka ee Dowladda Federaalka Cabdirisaaq Cumar Maxamad, Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamad Xalane ayaa warbaahinta u sheegay in tan iyo shalayba ay socotay u diyaargarowga soo dhaweynta Madaxweynaha ee degmadaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo uu kala socday howgalka ciidanka ee la doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay maamulaan ee Galmudug.
Lama oga inta uu Madaxweynuhu sii joogi doono Maxaaas, waxana la filayaa in uu waxgaradka deegaanka kala hadlo sidii loo xoojin lahaa duullaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabbaab.
Dhanka kale, madaxweynaha maamulka sheegay inuu la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha uu Maxaas u imaanayo inay ka mid tahay xal u helidda tabashada maamul ee dadka reer Hiiraan ay qabaan oo muddo dheer soo jiitameysay.
Waxaa uu sidoo kale si adag u sheegay inuu fulin doono tallaabo kasta oo ay raali ku yihiin shacabka reer Hiiraan oo aysan dhici doonin inuu meel cidlo ah kaga dhaqaaqo.