Booliiska oo gacanta ku dhigay tuhmaneyaal lala xiriirinayo dilka haweeney 76 sano jir ah

0
235

Ciidamada booliiska ayaa gacanta ku dhigay labo qof oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen dhac xooggan oo sababay dhimashada haweeney 76 sano jir ah.
Eedeysanayaahsa ayaa dhacdadan ka gaystay deegaanka hoose ee Serem ee ismaamulka Vihiga.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa eedeysanayaasha magacyadooda ku kala sheegtay Patrick Misiko, oo 36 jir ah iyo Christine Jerono, oo 46 sano jir ah.
Waxaa labada qof laga soo qabtay maanta deegaanka Majengo ee dowlad deegaanka Vihiga
Waxaa lagu eedeeyay in ay faraxumeeyeen haweeney da’ ah ka hor inta aysan dhicin.
Waaxda DCI-da ayaa ayaa intaasi ku dartay in labadan qof laga helay taleefoonka gacanta ee haweeneyda la dilay oo ka mid ah agabkii laga dhacay.
Shakhsiyaadkan ayuu qorshuhu yahay in 28-ka bishan maxkamad la soo taago.