DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono dadka khiyaana beeralayda

0
244

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay tallaabo ka qaadi doonto shakhsiyaad uu sheegay inay khiyaanaan beeralayda iyagoo doonaya inay si gaar ah uga macaashaan.
Waxaa uu madaxweynaha shakhsiyaadkan uga digay inay ka faa’iideystaan barnaamijka ay dowladda ku taageeraysa beeralayda ee kabka bacriminta.
Madaxweynaha ayaa faray dhammaan hay’adaha ammaanka inay feejignaadaan, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigaaan shakhsiyaadka ka macaasha beeralayda.

Waxaa uu dhanka kale sheegay in aynan marnaba suuragal ahayn in isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza iyo garabka mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ay gaaraan heshiis ku saabsan awood qaybsi iyo is-gacanqaad la xiriira heshiis siyaasadeed.