Kal-fadhiyada golaha hoose ee Nairobi oo la hakiyay

0
2499

Golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa hakad geliyay kal-fadhiyadiisa ka dib markii qaar ka mid ah xubnaha laga helay cudurka COVID-19 .
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday guddoomiyaha golaha hoose ee caasimadda dalka Benson Mutura.
Mas’uulkan ayaa sheegay in ugu yaraan 40 ka mid ah wakiillada deegaannada hoose ee Nairobi laga helay cudurka COVID-19.
6 ka mid ah wakiillada ayaa la dhigay isbitaallada halka labo ay xaaladooda caafimaad liidato.
Mooshinka lagu hakiyay fadhiyada waxaa golaha hor geeyay hoggaamiyaha aqlabiyadda Cabdi Guyo.
Mr. Guyo ayaa ku taliyay in ay lagama maarmaan tahay in siyaasiyiintan aynan kulamo toos ah yeelan ilaa iyo xaaladda hadda taagan laga gudbaya.
Waxaa Guyo mooshinka ku taageeray madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay Michael Ogada oo sheegay in aynan jirin arrin ka muhiimsan badbaadinta nolosha wakiillada shacabka matalaya.
Guddoomiye Benson Mutura ayaa dhanka kale guddiyaha kala duwan ee golaha hoose ee Nairobi ku amray in shirarkooda ay u qabtaan qaabka foggaan aragga.