Cabdulqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji oo noqonaya senetarka Garissa

0
798

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa ku dhawaaqay in Cabdulqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji uu noqon doono senetarka ismaamulka Garissa ka dib markii ay soo baxday in aysan jirin cid tartan kula gasha kursiga uu aabihiis ka geeriyooday.
Mr Cabdulqaadir ayaa beddeli doona aabihiis Eebe ha u naxariistee Maxamad Yuusuf Xaaji oo laba bilood ka hor geeriyooday.
Ogeysiis lagu soo qoray wargeyska dowladda oo ku taarikhaysan 6-da bishaan, ayaa guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC Wafula Chebukati ku caddeeyay in Cabdulqaadir Maxamad uusan jirin qof tartan kula galaya jagadaas bannaan.
Cabdulqaadir Maxamad oo lagu xasuusto inuu yahay haliyay kaalin weyn ka qaatay inuu soo badbaadiyo dad ku go’donsanaa weerarkii kooxda Al-Shabaab ku qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate dhowr sano ka hor ayaa dhawaan la siiyay shahaadada xisbiga talada dalka haya ee Jubilee si uu tartan ugu galo xilka senetarnimada ee ismaamulka Garissa.
18-ka bisha shanaad ee sanadkan ayaa lagu waday in doorashada xilka senetarnimada ay ka dhacdo dowlad deegaanka Garissa.
Hoggaamiyaasha siyaasadeed , waxgaradka , culimada , haweenka iyo dhallinyarada ismaamulka Garissa ayaa ku taageeray in Cabdulqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji uu noqdo senatarka dowlad deegaankaas iyada oo aynan cidna kula tartamin doorashada ku celiska ah si loogu ixtiraamo aabihiis oo geeriyooday.