Waxaa dalka soo gaaray safiirka boqortooyada Ingiriiska ku matalaya Kenya Neil Wigan.
Waxaa uu ballanqaaday in dowladda Kenya uu kala shaqeyn doona arrimaha mudnaanta leh.
Safiirka ayaa intaasi ku daray in boqortooyada UK ee Kenya ka saameyn doonto mashaaric ku kaceyso 500 oo bilyan oo shilinka dalka ah.
Waxaa uu tilmaamay in mashaariicda ay ka mid tahay wanaajinta nolosha kenyaanka.
Safiirka cusub ee dowlad Ingiiriska ku matalaya Kenya ayaa beddelay Jane Marriot oo muddo xileedkeedu ku ekaa bishii Lixaad ee sanadkan.
Patrick Neil Wigan ayaa bishii Lixaad ee sanadkii 2019-kii loo magacaabay safiirka Ingiriiska ee Israa’iil oo uu hayay ilaa bishii Lixaad ee sanadkan.
Sidoo kale waxaa uu horay soo noqday safirkii Ingiriiska ku matalayay waddamada Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC.
Mambo vipi ?
Ni furaha yangu kuwasili Nairobi kama balozi mteule wa 🇬🇧 hapa 🇰🇪.
I’ve only been in Kenya for a week but have already received a fantastic welcome from so many of you and from some of Kenya’s wildlife too🐘🐘 https://t.co/bZOqDNxujs— Neil Wigan (@FCDONeilWigan) August 14, 2023