Waxaa lagu soo warramaya in koox hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadday ciidamada militariga ee dalka Syria.
Weerarka oo lagu bartilmaameedsaday bas saraakiisha siday oo marayay bariga wadankaasi ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 20 sarkaal.
Hay’ad dabagal ku sameysa arrimaha xuquuqul aadanaha ee dalka Syria oo loo yaqaano SOHR ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay 23 askari halka 10 kalena la dhaawacay.
Falka ayaa laga gaystay waddo u dhow magaalada bari ee Mayadeen ee gobolka Deir Az Zor oo xuduud la wadaaga dalka Ciraaq.
In kastoo aynan cidna sheegan mas’uuliyadda weerarka, haddana laamaha ammaanka ee Syria ayaa uga shakisan kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.