Kooxaha kala matalaya mucaaradka iyo dowladda oo maanta kulmaya

0
321

Waxaa maanta xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ka furmaya wada hadallada u dhexeeya kooxaha kala matalaya isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya iyo garabka dowladda ee Kenya Kwanza .
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna madaxa garabka Kenya Kwanza ee wada hadallada siyaasadeed Kimani Ichung’wah ayaa arrinkan xaqiijiyay maalmo ka hor.
Hadalka siyaasigan ayaa yimid ka dib markii ay wada hadleen isaga iyo madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka oo wada xaajoodyada ku hoggaaminaya mucaaradka.
Kimani ayaa xusay inaynan ka wada hadli doonin arrimo laga soo gudbay sida doorashadii guud ee sanadkii hore .
Mucaaradka ayaa dhankiisa ku adkeysanaya in la isla meel dhigo xal u helidda qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Jeremiah Kioni ayaa hoggaamin doono xubnaha dhanka sharciga iyo farsamada ee Azimio.
Mucaaradka ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inaynan caqabad ku noqon wada hadallada labada dhinac.