DHAGEYSO:5 carruur ah oo aano qabiil lagu dilay dowlad deegaanka Soomaalida

0
362

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga heleyaa 5 carruur ah oo habeen ka hor lagu dilay deegaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaali Galbeed, kuwaasi oo ahaa arday dugsi Qur’aan.
Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in falkaasi naxdinta leh uu ka dhacay xuduudda gobolka Galgaduud iyo dowlad deegaanka gaar ahaan deegaanka Qorof ee degmada Gallaadi.
Waxaa xilligii uu dilku dhacayay ay carruuta hurdayeen goob u dhow dugsi Qur’aan oo ay dhiganayeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in carruurtaasi ay dileen koox hubeysan oo maleeyshiyaad ah, kuwaasi oo goobta isaga baxsaday dilka ka dib.
Carruurta la dilay waxaa ugu weynaa 13 sano jir, waxaana dilkoodu uu la xiriiraa aanooyin qabiil oo deegaankaasi ku soo laalaabtay.
Agaasimaha isbitaalka degmada Dhabad ayaa ka hadlay arrintan.

Waxaa sido kale dhacdadani argagaxa leh ka hadlay maamulka degmada Dhabad iyo odayaasha ehellada u ahaa carruurta la dilay