DHAGEYSO:Shacabka Islii oo loogu baaqay inay qaataan tallaalka ka dhanka ah daacuunka

0
335

Waxaa maanta maqaaxida Urban Point ee xaafadda Pumwani ee magaalada Nairobi ka qabsoomay kulan ay isugu yimaadeen saraakiisha qaabilsan horumarinta caafimaadka ee deegaan baarlamaneedka Kamukunji, saraakiisha maamulka ee dowladda dhexe iyo shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada .
Madaxa horumarinta caafimaadka ee ismaamulka Nairobi Lilian Mutua ayaa ugu horreyn faahfaahin ka bixisay tallaalka ka dhanka ah cudurka daacuunka ee la billaabay 3-dii bishan kaasoo la soo gabagabeyn doono 12-ka bishan Siddeedaad.
Waxay sheegtay in sida shacabka ku nool deegaanka Kamukunji ay ugu soo baxeen qaadashada tallaalka ay tahay boqolkiiba 57.
Lilian ayaa dadweynaha u xaqiijisay in tallaalka la bixinaya uu yahay mid aan caafimaadka waxba u dhimayn oo ay xaqiijiyeen hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo wasaaradda caafimaadka dalka.

Dadka ka shaqeeya arrimaha wacyigelinta bulshada ee kulanka maanta ka soo qayb galay ayaa shacabka ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan maalmaha haray ee tallaalka la bixinaya.
Waxay waalidiinta iyo macallimiinta ku boorriyeen inay carruurta u oggolaadaan in tallaalka ka dhanka ah daacuunka la siiyo.
Sidoo kale dadweynaha ku nool xaafadda Islii iyo guud ahaan deegaan baarlamaneedka Kamukunji ayaa lagula taliyay inay nadaafadda ku dadaalaan maadaama xanuunkan uu ka dhasho nadaafad darrada.