Kenya Airways oo hakineyso duulimaadkeedi dalka Ingiriiska

0
487

Shirkadda qaran ee duulimaadka ee Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday inay hakisay duulimaadyadii rakaabka ee isaga kala gooshi jiray Kenya iyo boqortooyada Ingiriiska.
Qoraal ka soo baxay shirkadda diyaaradaha Kenya Airways gelinkii dambe ee shalay ayaa lagu sheegay in hakinta la dhaqan gelin doono laga bilaabo saqda dhexe ee habeenka Jimcaha ee toddobaadkaan taarikhduna tahay 9-ka bishaan
Kenya Airways ayaa raacaysa amarka dowladeed ee ka soo baxay dhawaan dowladda Ingiriska taas oo ahayd in dalal ay Kenya ka mid tahay soo gali karin Uk sababo la xariira nooca cusub ee cudurka Coronavirus oo Kenya iyo dalal kale lagu arkay.
Shirkadda ayaa intaa ku dartay in tani ay dhabar jab weyn ku noqonaysa iyada oo sheegtay in sanadkii hore ay shirkadda lumisay lacag dhan 36.2 bilyan oo shilinka dalka ah.
Waddamada kale ee xayiraadda socdaalka ah ee ay boqortooyada Ingiriiska saartay waxaa ka mid ah Bangaladesh,Pakistan,iyo Filibiin.