Madaxweynaha dalka oo sheegay in maamulkiisa uu shaqaaleysiiyay 56,000 oo macallimiin ah

0
323

Madaxweynaha dalka William Ruto oo xalay fiidkii wareysi siiyay barnaamijka loo yaqaano Kiririmbi show ee taleefishinka ku baxa luuqadda Kikuuyada ee Inooro isaga oo ku sugan xarunta madaxtooyada yar ee Sagana State Lodge ee ismaamulka Nyeri, ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha maamulkiisa u qabsoomay tani iyo intii uu hoggaanka qabtay.
Waxaa uu madaxweynaha sheegay in maamulkiisa uu shaqaaleysiiyay 56,000 oo macallimiin ah.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in yareynta qiimaha bacriminta ee la siinaya beeralayda in dowladda ay ku qarash gelisay in ka badan 12 bilyan oo shillin.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka ayaa sidoo sheegay in sanad maaliyadeedkan in meesha laga saaray lacag gaareyso 300 bilyan oo shillin oo ahayd in Kenya ay amaahan u qaadato.