DHAGEYSO:3 qof oo ku dhimatay ismaamulka Kirinyaga

0
291

Waxaa lagu soo warramayaa in saddex qof ay ku dhinteen degmada Kimuri ee ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka ka dib markii ay soo duntay goob laga soo saaro dhagaxaanta.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qof afaraad uu si dirqi ah uga badbaaday inuu halkaasi ku geeriyoodo oo laga daaweynaya dhaawacyo soo gaaray.
Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool aagga Kimuri ayaa warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen iyagoo dowladda ka codsaday inaynan goobtaasi xirin maadaama ay ka soo saartaan nolol maalmeedkooda.

Waxaa dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay xaqiijiyay taliyaha booliiska ee deegaanka Mwea ,James Mutua.
Waxaa uu taliyaha xusay in meydadka saddexda qof la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka magaalada Kerugoya halka ay dhanka kale socdaan baaritaano lagu xaqiijinaya sababta keentay in goobtaasi ay soo dunto.