DHAGEYSO:Maroodi burburiyay dalag ay beerteen shacab ku nool tuulo ku taalla ismaamulka Kilifi

0
600

Dadka ku nool tuulada Mwangea ee ismaamulka Kilifi ayaa walaac ka muujiyay kiisaska sii kordhaya ee weerarrada xayawaanka gaar ahaan Maroodiga ee deegaankaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Maroodiga uu ku soo duullay beerahooda, islamarkaana uu baabi’iyay dalagyadii ay beerteen.
Waxaa ay intaasi ku dareen in haatan ay soo wajahday dhibaato dhaqaale.
Dadweynaha ayaa sheegay in dadaalkii ay ku doonayeen in waaxda adeegga duurjoogta ee KWS ay arrinkan wax uga qabato uusan muuqan.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in dowladda ismaamulkaasi aysan weli xallin arrintan.