DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo digniin adag u diray mucaaradka

0
263

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa uga digay mucaaradka inay dalka ka abuuraan khalalaase siyaasadeed, ka hor wada hadallada labo geesoodka ah ee la filaya inuu dhexmaro maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza iyo isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya.
Waxaa uu si cad u sheegay inuusan la dhacsaneyn wada hadallada lala yeelanayo mucaaradka.
Madaxweynaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in aysan u hoggaansami doonin wax kasta oo khatar ah oo uga imaada dhanka mucaaradka.
Waxaa uu wacad ku maray in aan la aqbali doonin in dhallinyaro lacag la soo siiyo si ay u burburiyaan hantida shacabka ayna waxyeeleeyaan ciidamada booliiska.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa intaasi ku daray in uusan aqbali doonin awood qaybsi dhexmara dowladda iyo mucaaradka.