Maalmo ka hor ayay ahayd markii hay’adda lacagaha adduunka IMF ee Kenya siisay lacag amaah oo dhan 255 bilyan oo shilin.
Arrinkan ayaa waxay xamaasad ka dhax dhalisay islamarkaana aysan jecleysan kenyaanka.
Inta badan dadweynaha kenyaanka ayaa isweydiinaya sababta ay hay’adda lacagaha adduunka IMF ay ugu ogolaatay Kenya dalabka amaahda xilli dalka uu wajahaya culeys dhanka deymaha.
Dhaqaalahan ayaa loogu talagalay la tacaalidda cudurka COVID-19.
Maalin ka hor inta aan la ansixin lacagta amaahda ayaa cilmi baaris ay sameysay shirkadda darasaadka ee Infotrak ku sheegtay in kenyaanka badankood ay ka soo horjeedaan amaahda shisheeyaha u dalka siiyo.
Sahanka ayaa lagu sheegay in 81 boqolkiiba kenyaanka ay ka xanaaqsan yihiin, walwal ama cabsi ay ka qabaan heerka deynta uu shisheyuhu u ku leeyahay Kenya.
Qiimeyn Misaaniyadeed oo la soo badhigay bartamihii sanadkii hore ayaa lagu sheegay in Kenya lagu leeyahay deyn dhan 7.6 tiriliyoon oo shilin, oo u dhiganta 65 boqolkiiba dhaqaalaha guud ee dalka ee loo yaqaano GDP.
Xildhibaanka hore ee deegaanka Mukurweini ee ismaamulka Nyeri Kabando wa Kabando ayaa sheegay in wadanku dib ugu laabtay xilligi xisbiga KANU xukumayay islamarkaana ay dowladdu ku tiirsanayd amaahda.