Dowladda oo habeynaysa ka ganacsiga dhuxusha

0
225

Wasiiradda wasaaradda deegaanka , keymaha iyo la tacaalidda isbeddelka cimillada ee dalka ,Soipan Tuya ayaa sheegtay inuu jiro qorsho ay wasaaradda dib u habeyn ugu sameynaysa ka ganacsiga dhuxusha.
Tani ayay hoosta ka xarriiqday in looga gol-leeyahay in ganacsigan looga dhigo mid sharci ah iyadoo aan waxyeello la gaarsiin deegaanka.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo maxkamadda deegaanka iyo dhulalka ee dalka ay hor istaagtay go’aankii uu madaxweyne William Ruto meesha uga saaray amarkii sanadkii 2018-kii lagu mamnuucay jaridda dhirta.