Maxkamad ku taalla Ruushka oo Apple saartay ganaax lacageed

0
367

Waxaa lagu soo warramayaa in maxkamad ku taalla caasimadda dalka Ruushka ee Moscow ay ganaax lacageed oo dhan 400,000 oo ah lacagta wadankaasi una dhiganta 4,274 oo doolar ay saartay shirkadda tiknolojiyadeed ee Apple.
Tani ayaa timid ka dib markii shirkaddan lagu eedeyay inay macluumaad aan sax ahayn ka gudbisay xaaladda Ukraine.
Wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS ayaa sidatan ku warramaysa.
Muddo sanado ah , xukuumadda Moscow ayaa shirkadaha baraha bulshada kula dagaallamaysay waxyaabaha la faafiyo tani ayaana sii korortay tan iyo duullaankii militari ee uu Ruushku Ukraine ku qaaday sanadkii hore.