Dowladda Maraykanka ayaa caasimadda dalkaasi ee Washington ku casuuntay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi.
Marti qaadka loo fidiyay Yi waxaa xaqiijisay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka.
Waxay waaxdu sheegtay inay rajeynaysa in mas’uulkan uu aqbalo casuumaadda in kastoo aynan faahfaahin taariikhda la doonaya inuu halkaasi gaaro.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladaha Maraykanka iyo Shiinaha ay u muuqdaan inay xoojinayaan xiriirka ka dhexeya.