DHAGEYSO:Wasaaradda cayaaraha Soomaaliya oo baaritaan ku sameyn doonto gabadh Soomaaliya ku matashay tartan orod

0
471

Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameyn doono hannaankii lagu soo xulay gabadh lagu magacaabo Nasra Abuukar Cali oo Soomaaliya uga qayb gashay tartan orad oo ka dhacay dalka Shiinaha.
Soomaaliya ayaa tartankaasi guuldarro aad u xun kala kulantay.
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Maxamad Barre ayaa ka hadlay doodda ka dhalatay gabadha Soomaaliya ku matashay tartanka Jaamacadaha ee ka dhacay wadanka Shiinaha.
Waxaa uu wasiirka sheegay in gabadhaasi ay qaranka ku matalin orodkaasi, balse uu ahaa mid ay jaamacadaha Soomaaliya ku mataleysay.
Wasiirka ayaa ka hadlay doorka ay wasaaraddiisa ku lahayd arrinkan.