Kenya iyo Israa’iil oo xoojinaya xiriirkooda amni

0
390

Kenya iyo Israa’iil ayaa ku heshiiyay inay sare u sii qaadaan iskaashiga dhanka ammaanka ee ka dhexeya.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa bayaan ku sheegtay in Israa’iil ay muujisay sida ay uga go’an tahay inay Kenya ka caawiso dhanka agabka amniga.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada lagu casriyeynaya qalabka waaxda qaran ee adeegga booliiska ee NPS.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ciidamada booliiska ee dalka ay helaan qalab casri oo dheeraad ah.
Arrimahan ayaa laga wada hadlay xilli ay kulan yeesheen xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Raymond Omollo iyo safiirka Israa’iil ku matalo Kenya Lotem Michael.