Kalonzo Musyoka oo Azimio ku hoggaamin doono wada hadallada kala dhexeynaya Kenya Kwanza

0
278

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja -One Kenya ayaa soo saaray magacyada shanta xubnood ee ku matali doono wada hadallada la rajeynaya inay la yeeshaan dhinaca isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza.
Bayaanka Azimio waxaa ku cad in madaxa xisbiga Wiper , Kalonzo Musyoka uu dhinacooda hoggaamin doono.
Waxaa guddiga wada xaajoodyada siyaasadeed ee Azimio xubno ka ah madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Opiyo Wandayi,hoggaamiyaha xisbiga DAP-Kenya, Eugene Wamalwa, senatarka ismaamulka Nyamira Okong’o Omogeni iyo xildhibaanadda deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi Amina Mnyazi.
Xubnaha guddigan ayaa laga doonaya inay garabka Kenya Kwanza kala xaajoodaan yareynta qiimaha sarreya ee maciishadda , in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo natiijadii doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii hore, in dib loo soo dhiso guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC, in loo sinnaado arrimaha qaranka gaar ahaan magacaabidda ay sameysa dowladda sare iyo in la qadariyo madax bannaanida xisbiyada siyaasadeed si waafaqsan dastuurka dalka.
Mucaaradka dalka ayaa bayaankiisa ku sheegay inuu qabo inuunan jirin dhinac dhanka kale u go’aaminaya waxyaabaha laga wada hadlaya iyo waxyaabaha ka reebban wada xaajoodyada.
Azimio ayaa sheegtay inay tixgelinaysa xaqa ay wakiillada Kenya Kwanza u leeyihiin inay soo bandhigaan qodobbada ay doonayaan sidaasi si la mid ahna ay rajeynayaan in aan lagu faragelin waxyaabaha mudnaanta u leh.
Isbeheysiga Azimio ayaa ku adkeysanaya in wada hadallada ay socdaan muddo bil ah laga billaabo berri.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka , Kimani Ichung’wa ayaa dhankiisa sheegay in Kenya Kwanza ay weli ku howlan tahay wada tashiyada ku aaddan soo saaridda shakhsiyaadka ku matali doono wada hadallada siyaasadeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in marka arrinkan lagu heshiiyo ka dib ay liiska shaacin doonaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in madaxweynaha dalka William Ruto iyo madaxa mucaaradka Raila Odinga ay kulankoodii ku heshiiyeen in laga wada hadlo shan qodob.
In kastoo uunan qodobbadan shaacin waxaa uu ku gaabsaday keliya in siyaasiyiinta Azimio ay ogyihiin waxyaabaha uu hoggaamiyahooda kula heshiiyay madaxweynaha in lala tago miiska wada hadalka sidaasi awgeedna qodob intaasi ka baxsan aan laga aqbali doonin.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto uu shaaciyay in isaga iyo hoggaamiyaha Azimio Raila Odinga ay ka wada hadleen soo afjaridda dibadbaxyada rabshadeysan ee ka dhanka ah dowladda .
Ruto ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aynan rabshad qayb ka ahaan doonin siyaasadda wadanka.