Mid ka mid ah dhakhaatiirta daawooyinka bixiya ee ismaamulka Machakos oo lagu magacaabo Eric Musyoki Musembi ayaa ku guulaystay abaal marin lacageed oo dhan 1 milyan oo shilin oo ay guddoonsiisay shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.
Eric oo 35 sano jir ah ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee ka qayb qaatay adeegga billaha ee Gomoka na Go Monthly Promotion ee abaal marintan la siiyay.
Dhakhtarka oo dareenkiisa muujiyay ayaa sheegay in lacagtan ay ka caawin doonto taageeridda qoyskiisa xilligan oo uu dalka ka jiro sicir barar nololeed.
Safaricom ayaa sheegtay in barnaamijkan oo la daahfuray bishii 6-aad ee sanadkan ay ilaa iyo hadda abaal marino kala duwan oo qiimo ahaan kor u dhaafaya 12 milyan oo shilin ka heleen ugu yaraan 186,000 oo macaamiil ah.