Urur dhallinyaro oo dhaliilay qaabka loo raadinaya madaxa cusub ee cadaaladda dalka

0
399

Mid ka mid ah ururada u ololeeya arrimaha dhallinyarada ee dalka ayaa dhaliilay geeddisocodka loo marayo in la helo garsoore buuxiyo jagadii uu baneeyay madaxii cadaaladda ee Kenya David Maraga.
Maraga ayaa howlgab noqday horraantii sanadkan waxaana hadda ku sime ah Philomena Mwilu.
Ururkan ayaa ku doodaya in da’yarta aan fursad buuxda loo siin xilalka sar sare ee waaxyaha kala duwan ee dowladda si gaar ah dhanka garsoorka.
Kooxdan ayaa ku andacoonaysa in guddiga adeegga garsoorka ee dalka ee (JSC) uunan ilaa iyo hadda dhallinyarada kala tashan qaabka arrinkan loo wajahaya.
Guddoomiyaha ururkan Raphael Obonyo ayaa carrabka ku adkeeyay in dhallinyarada ay xaq u leeyihiin sidoo kalena ka qayb gelintooda arrimaha dastuuriga ah ay aad muhiim u tahay.