Ciidamada militariga ee dalka Niger ayaa sheegay inay xilka ka tuureen madaxweynaha wadankaasi Maxamad Bazoum.
Tani ayaa timid saacado un ka dib markii ilaalada madaxtooyada ee Niger ay siyaasigan ku xireen hooygiisa rasmiga ah.
Madaxa militariga dalkaasi Amadou Cabdramane ayaa bayaan laga akhriyay telefishinka dowladda Niger ku sheegay in saraakiisha difaaca iyo kuwa ammaanka ay go’aansadeen in la soo afjaro muddada xukuumaddii jirtay.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo walaac laga muujinaya maamul xumo la xiriirta arrimaha amniga , bulshada iyo dhaqaalaha ee wadankaasi.
Ilaa iyo hadda ma cadda in madaxweyne Maxamad Bazoum uu is casilay iyo in kale.