Wasiirrada biyaha iyo shaqaalaha oo maanta baarlamaanka hor tagaya

0
310

Waxaa galinka dambe ee maanta baarlamaanka ka soo hormuuqan doono wasiirradda biyaha iyo waraabka , Alice Wahome iyo dhigeeda shaqaalaha, Florence Bore.
Mas’uuliyiintan ayaa ka jawaabi doono su’aallaha mudanayaasha ee ku saabsan wasaaradaha ay hoggaamiyaan.
Wasiiradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka , Florence Bore ayaa laga doonaya inay faahfaahin ka bixiso daryeelka ay helaan kenyaanka ka shaqeeya gudaha boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dadaallada la sameeyay ee lagu xakameynaya leesimada la siiyo shirkadaha shaqaaleysiinta.
Sidoo kale waxaa laga wareysan doonaa barnaamijka ay dowladdu qaab dhaqaale ugu taageerto waayeellada, naafada iyo agoonta iyo sida uu qorshahan wax tar u yahay tan iyo markii la billaabay.
Alice Wahome ayaa dhankeeda su’aallaha ay ka jawaabi doonto waxaa ka mid ah halka uu maraya mashruuca biyaha iyo bullaacadaha ee ismaamulka Mandera oo ay si wadajir ah u fulinayaan dowladda dhexe iyo bangiga horumarinta Afrika.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo kal-fadhiyada baarlamaanka ay saaka dib u billowdeen.
Xildhibaannada ayaa eegaya mooshin ku saabsan soo saaridda xeer dhaqaale oo loogu talagalay dugsiyada aasaasiga ee JSS.
Sidoo kale waxaa markii ugu horreysay la akhrin doonaa isbeddel lagu sameynaya hindise sharciyeedka amaahda lacageed ee tacliinta sare ee HELB.
Sidoo kale baarlamaanka ayaa markii labaad laga hor akhrin doonaa hindisaha isbeddelka xeerarka ciqaabta.
Sidoo kale waxaa baarlamaanka hor yaalla mooshin ah in la soo dhiso sanduuqa ka hor tagga iyo xakameynta cudurka kansarka.