Ururka caafimaadka dalka oo walaac ka muujiyay ka ganacsiga tallaalka

0
429

Ururka caafimaadka dalka ee KMA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu ka walacsan yahay ka ganacsiga tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Waxaa uu ururku sheegay in tallaabadan ay Kenyaan badan oo aan lahayn awood dhaqaale ka hor istaagi doonto in ay helaan tallaalka in kastoo aad loogu baahan yahay.
KMA ayaa si gaar ah u tilmaantay nooca tallaalka ee Sputnik V ee laga keenay wadanka Ruushka.
Waxaa uu ururka sheegay in daawadan qaadashadeeda ay lacag tahay in kastoo dowladda ay horay u sheegtay in tallaalka lagu bixin doono qaab lacag la’aan ah.
Bayaanka KMA waxaa qayb ka ah in hadii aan arrinkan wax laga qaban aynan tallaalka ka faa’iidaysan doonin in ka badan boqolkiiba 40 ee shacabka oo ku jiro noolol saboolnimo.
Madaxa ururka KMA Dr. Were Onyino ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaalka uu yahay rajada ku aaddan xakameynta cudurka .
Waxaa uu mas’uulkan xusay in dowladda laga doonayo in ay xaqiijiso in tallaalka uu yahay mid si lacag la’aan ah ay cid kasta ku hesho iyada oo aynan shakhsiyaad gaar ah ka macaashin.
Dr. Onyino ayaa dhanka kale tilmaamay in ay walaac ka muujinayaan qaabka daawooyinka tallaalka loo bixinaya isagoo sheegay in aan la siin waayeelo la qorsheeyay in ay ka faa’iidaystaan xilliga wajiga koowaad ee tallaal bixinta.
Ururkan ayaa sidoo kale dowladda ku ammaanay go’aanka ay dhawaan ku mamnuucday in iyada oo dano ganacsi laga leeyahay waaxyaha gaarka ah ay wadanka soo geliyaan tallaalka ka dhanka ah COVID-19.