Wasiirka wasaaradda deegaanka , keymaha iyo la tacaalidda isbeddelka cimillada ee dalka, Soipan Tuya ayaa goobjoog u ahayd barnaamij 10,000 oo geedo ah lagu abuurayay keynta Mt Elgon ee ismaamulka Bungoma.
Waxaa sidoo kale arrinkan ka qayb qaatay tobanaan ka mid ah madaxda Bungoma oo ay hor kacaysay barasaab ku xigeenka dowlad deegaankaasi ,Janepher Chemutai Mbatiany.
Wasiir Tuya ayaa kenyaanka ku boorrisay inay caado ka dhigtaan inay geedo beeraan.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay sidan sameeyaan marka ay u dabbaal degayaan xafladaha kala duwan.
Qorshaha dowladda dhexe ayaa ah in la beero 15 bilyan oo geedo ah si sanadka 2032-da baaxadda keymaha dalka loo gaarsiiyo boqolkiiba 30.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada looga gaashaamanaya saameynta isbeddelka ku yimaada cimillada.
Dear Countrymen & Women,
Planting and nurturing trees is one of the easiest things to do to save ourselves from the Climate Change Crisis. Each and everyone of us, including children, can do it.
Joined by the people of Kapsiro in Mt. Elgon to plant trees for my birthday today,… pic.twitter.com/wn8IMZXdYd
— Hon.Soipan Tuya CBS (@HonTuya) July 24, 2023