Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Cabdiraxmaan Jubba

0
307

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamad Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamad Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
“Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa qoyska, ehellada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba).”
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Marxuum Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) ayaa maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaalka wayn ee Aga Khan ee magaalada Nairobi, waxaana la xaqiijiyay in xanuunkii haayay uu ugu dambeyn xalay u geeriyooday.