Dowladda oo lagu boorriyay inaysan dayacin dadka qabo cudurka Autism-ka inta lagu guda jira COVID-19

0
605

Dowladda dhexe ee dalka ayaa lagu boorriyay inay hubiso in dadka qabo xanuunka saameeya korriinka maskaxda carruurta ee loo yaqaano Autism ay ahaadaan mar walba kuwo heli kara daryeel caafimaad , xitaa iyada oo diiradda la saarayo dagaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Waxaa sidatan sheegtay Iram Bahawal oo ah afhayeenka urur diiradda saaro wanaajinta nolosha dadka naafada ah oo ay ku jiraan kuwa qabo cudurka Autism ee lagu magacaabo Enable Me Kenya.
Waxaa ay dowladda ka codsatay inay xaqiijiso in daryeel caafimaad oo tayo leh oo loogu tala galay dadka qabo xanuunkan uu noqdo mid la heli karo.
Waxaa ay xustay in adeegyadii daryeelka caafimaadka uu saameeyay cudurka Covid-19, balse ay weli suurtagal tahay in la daryeelo dadka qabo cudurka Autism maadaama ay ka mid yihiin bulshada islamarkaana ay la siman yihiin kenyaanka kale.
Ms Bahawal ayaa dhanka kale sheegtay in dadka qaba cudurka Autism ay muddo dheer la kulmayeen sinaan la’aan, islamarkaana uu uga sii daray cudurka safmarka ee Covid-19
Waxaa ay sidoo kale dowladda ku boorrisay inay wax ka qabato sinaan la’aanta dhanka hantida iyo dakhliga iyo ka mid noqoshada siyaasadda.
Warbixin ay soo saareen ururka la tacaalidda cudurka Austism ee Kenya ayay ku sheegeen in 25-kii canug mid ka mid ah uu cudurkan qabo.
2-dii bishaan ayay ahayd markii caalamka laga xusay maalinta caalamiga ah ee cudurka Autism
Baaritaan ay sameysay qaramada midoobay sanadkii la soo dhaafay ayaa lagu ogaaday in dadka naafada ah ay qatar weyn ugu jiraan in lagu takooro helitaanka daryeel caafimaad iyo habraacyada badbaadinta nolosha inta uu jiro caabuqa Corona.