Askari loo haysto inuu ku biiray dibadbaxayaal oo la xiray

0
375

Waxaa gacanta lagu dhigay askari ka howlgalo ismaamulka Makueni.
Evans Otieno oo laga qabtay magaalada Emali ee dowlad deegaankaasi ayaa ku eedeysan inuu ku biiray dad dibadbaxayey isagoo dhagaxaan ku tuuray saldhig booliis xilligii ay socdeen mudaaharaadyada mucaaradka.
Eedeymaha waxaa ka mid ah inuu dhallinyaro lagu tilmaamay qaswadayaal uu u fududeeyay inay xiraan waddada wayn ee xiriirisa Mombasa iyo Nairobi iyagoo dhagaxeeyay baabuurta halkaasi maraysay.
Warbixinta booliiska waxaa sidoo kale ku cad in askari lagu helay xashiish uu qiimihisa lacageed yahay 2,000 oo shilin.