Siyaasiyiin ay ka mid tahay Ilhaan Cumar oo doonaya in lala xisaabtamo madaxweynaha Syria

0
271

Xubnaha golaha Kongareeska ee Maraykanka ee kala ah Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar ayaa gudbiyay hindise sharciyeed ay ku doonayaan in dowladda dalkaasi ay taageerto dadaallada caalamiga ee lagula xisaabtamaya madaxweynaha wadanka Syria, Bashar Al-Assad.
La xisaabtanka mas’uulkan ayaa la xiriira dembiyo dagaal iyo ku xadgudubka xuquuqul aadanaha.
Rashida Tlaib ayaa bayaan ku sheegtay in dhibbanayaasha dagaalka sokeeye ee Syria aynan weli cadaalad helin.
Waxay intaasi ku dartay in maamulka madaxweyne Bashar Al-Assad uu gaystay xadgudubyadii ugu waynaa ee qarnigan tan iyo markii uu billowday dagaalka Syria sanadkii 2011-kii.