Ciidamada Israa’iil ayaa toogasho ay ka gaysteen Daanta Galbeed ee dalka Falastiin waxay ku dileen hal qof.
Ugu yaraan afar ruux oo kale ayaa falkaasi ku dhaawacmay.
Labo ka mid ah dhaawaca ayay xaaladooda caafimaad liidataa sida ay sheegeen wasaaradda caafimaadka ee Falastiin iyo Hay’adda Bisha Cas.
Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Nablus ee Daanta Galbeed.
Maamulka Israa’iil ayaan weli arrintan ka hadlin waxayna tani ku soo beegmaysa ka dib markii bishii hore 12 qof lagu dilay magaalada Jenin ee Falastiin halka ilaa 100 kalena la dhaawacay.




